Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo saxaafadda uga mahadceliyey doorkii ay ka qaateen xuska 18-ka May

Tuesday May 19, 2026 - 12:28:57
hadhwanaagnews
Barkhad Jaamac Batuun ayaa xusay in suxufiyiinta Somaliland



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa saxaafadda Somaliland uga mahadceliyey doorkii muuqday ee ay ka qaateen tebinta, baahinta iyo muujinta wararka la xidhiidhay xuska qaran ee 18-ka May.


 

Wasiirka ayaa sheegay in warbaahinta Somaliland ay si weyn uga shaqeysay muujinta qiimaha, qaranimada iyo farriimaha ku lammaanaa munaasibadda, isaga oo bogaadiyey dhammaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda ee ka qayb qaatay tebinta xuska.


 

Barkhad Jaamac Batuun ayaa xusay in suxufiyiinta Somaliland ay muujiyeen dadaal iyo karti weyn oo ay ku difaacayeen sumcadda iyo qiimaha qaranka, isla markaana ay wararka xuska gaadhsiiyeen gudaha iyo dibaddaba.


 

"Waxa aan la dafiri karayn sida suxufiyiinta Somaliland galka seefta uga saareen ee ay u muujiyeen qiimaha uu qarankoodu ku leeyahay. Waanan u mahadcelinaynaa qaybaha kala duwan ee saxaafadda, kuwii qoraalka ku tebinayey, kuwii qawl ku hadlaayeyba iyo kuwii qarankeena caalamka tusaayey,” ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.

     
Loading...