hadhwanaagnews

Siyaasiga reer Britain Sir Gavin Williamson ayaa sheegay in uu si qoto dheer ugu faraxsan yahay xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, isaga oo hadal dareen leh ka jeediyey munaasibadda xuska 18-ka May.
Sir Gavin Williamson ayaa muujiyey taageeradiisa iyo qaddarinta uu u hayo Somaliland, isaga oo sheegay in uu sharaf u arko in uu naftiisa ugu yeedho "Somalilander”.
"Waxa aan si qoto dheer ugu faraxsanahay in aan naftayda ugu yeedho in aan ahay Somalilander,” ayuu yidhi Sir Gavin Williamson.
Hadalkan ayaa ka mid noqday weedhihii sida weyn looga hadal hayey munaasibadda, iyadoo lagu fasiray mid muujinaysa taageerada iyo xidhiidhka uu Sir Gavin Williamson la leeyahay Somaliland.