Sarkaal hore oo ka tirsanaa Imaaraadka Carabta oo sheegay in aqoonsiga Somaliland uu iman karo dhawaan

Tuesday May 19, 2026 - 12:39:20
hadhwanaagnews
Al Falasi ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay astaamo muujinaya



Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu iman karo sida ugu dhakhsaha badan, isaga oo tilmaamay in Somaliland muujisay xasillooni, dimuqraadiyad iyo horumar dhinacyo badan leh.


 

Dherar Belhoul Al Falasi, oo hore xubin uga ahaa Golaha Qaranka Federaalka ee Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa wareysi uu siiyay i24NEWS kaga hadlay arrimaha Geeska Afrika iyo mustaqbalka Somaliland.


 

Al Falasi ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay astaamo muujinaya xasilooni siyaasadeed, nidaam dimuqraadi ah iyo horumar muuqda, isaga oo xusay in arrimahaasi ay sare u qaadeen rajada laga qabo aqoonsiga Somaliland.


 

Inkasta oo aanu si rasmi ah u shaacin dalal gaar ah oo aqoonsanaya Somaliland, haddana hadalladiisa ayaa si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada, gaar ahaan shacabka Somaliland oo si dhow ula socda doodaha la xidhiidha aqoonsiga caalamiga ah.


 

Wareysigaasi ayaa abuuray hadal-heyn iyo rajo cusub oo ku saabsan mustaqbalka aqoonsiga Somaliland, iyadoo hadallada sarkaalkan hore loo fasiray kuwo muujinaya aragti rajo leh oo ku aaddan arrimaha Somaliland.

     
Loading...