hadhwanaagnews
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasibadda xuska 18-ka May ee caawa ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ku sheegay in maalinta qaranimada Somaliland ay xambaarsan tahay saddex fariimood oo muhiim ah.
Wasiirka ayaa sheegay in fariimahaasi ay kala yihiin Kalmadda Towxidka ee ku qoran Calanka Somaliland, heshiiskii iyo cahdigii ay shacabka Somaliland ku gaadheen 18-ka May si ay u yeeshaan dawladnimo iyo qaran madax-bannaan, iyo muujinta in Somaliland tahay dal Muslim ah oo leh ilbaxnimo isla markaana diyaar u ah xidhiidh iyo wada-shaqayn caalami ah.
Sheekh Baashe ayaa xusay in Somaliland ay dunida u dirayso fariin muujinaysa inay tahay dal Muslim ah oo ilbax ah, una diyaar ah inay la macaamisho dhammaan dalalka, isla markaana ay soo dhoweyso iskaashi, diblomaasiyad iyo xidhiidh caalami ah.