hadhwanaagnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa caawa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guurada 35-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu qabtay xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Munaasibaddan taariikhiga ah ayaa ahayd xus qaran oo si weyn loo abaabulay, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xildhibaanno, safiirro, wufuud caalami ah iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Sidoo kale, munaasibadda waxaa ka qaybgalay wefti sare oo ka socday Israa’iil, safiirrada Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Taiwan u fadhiya Somaliland, iyo wufuud kale oo ka socotay dalal saaxiib la ah Somaliland, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey horumarka, dimuqraadiyadda iyo doorka ay Somaliland kaga jirto Geeska Afrika.
Xildhibaan Gavin Williamson ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland uu mudan yahay in si caalami ah loo tixgeliyo, isaga oo xusay in Somaliland ay tusaale u tahay dimuqraadiyad, nabad iyo horumar.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyeyaasha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ayaa iyaguna madasha ka hadlay, waxayna si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada Madaxweynaha iyo xukuumadda ee ku aaddan nabadda, horumarinta dalka iyo xoojinta sumcadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in 18-ka May ay tahay maalin astaan u ah halgankii iyo go’aankii shacabka Somaliland dib ugula soo noqdeen madax-bannaanidooda, isagoo xusay in Somaliland ay ku guulaysatay nabad, dimuqraadiyad iyo horumar muuqda.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey munaasibadda ayaa sheegay in 18-ka May ay tahay maalin astaan u ah gobannimo, midnimo, horumar iyo rabitaanka shacabka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale shaaciyey in uu maanta khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo ka codsaday in hambalyada munaasibadda 18-ka May uu gaadhsiiyo shacabka reer Somaliland.