Madaxweyne Cirro: Nabadda iyo midnimadu waa furaha aqoonsiga Somaliland

Tuesday May 19, 2026 - 12:12:17
hadhwanaagnews
Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasibad lagu xusay 18-ka May



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada shacabka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee Somaliland ku gaadhi karto himiladeeda aqoonsi caalami ah.


 

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasibad lagu xusay 18-ka May, ayaa carrabka ku adkeeyey in wadajirka bulshada iyo ilaalinta amniga ay Somaliland ka caawinayaan inay dunida tuso inay tahay qaran leh nidaam, xasilooni iyo dawladnimo taam ah.


 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland looga baahan yahay inay sii xoojiyaan isku duubnida, kana shaqeeyaan danta guud, si loo ilaaliyo guulaha dhinaca nabadda iyo dawlad-dhiska ee la soo gaadhay.


 

"Haddii aynu nabadda ilaalino, midnimadana ilaalino, waxa aan ku kalsoonahay in dunida oo dhan ina ictiraafayso,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

     
Loading...