Xuska 18-ka May oo muujiyay bisaylka dimuqraadiyadda iyo midnimada Somaliland

Tuesday May 19, 2026 - 12:19:07
hadhwanaagnews
Labada masuul oo hore ugu tartamay si adag doorashada



Munaasibadda qaran ee xuska 18-ka May ayaa noqotay dhacdo taariikhi ah oo si weyn u muujisay bisaylka siyaasadeed, hufnaanta dawladnimo iyo quruxda dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xambaarsanayd farriimo qoto dheer oo ka tarjumaya nidaam siyaasadeed oo ku dhisan nabad, wada-tashi iyo is-ixtiraam.


 

Muuqaalka ka dhex muuqday munaasibadda ayaa si cad u iftiimiyay heerka ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyad ku dhisan isu-tanaasul, wadajir qaran iyo aqbalidda aragtida kala duwan, taas oo dunida tusaysay in qaranimada iyo xasilloonidu ay ka sarreeyaan dano siyaasadeed oo gaar ah.


 

Waxa si wadajir ah munaasibadda uga qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo si nabad ah isugu kala wareejiyay hoggaanka dalka kadib doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2024.


 

Labada masuul oo hore ugu tartamay si adag doorashada ayaa markii natiijada la shaaciyay muujiyay bisayl siyaasadeed, iyagoo si sharaf leh isu hambalyeeyay, isla markaana xilka iyo masuuliyadda qaranka si nabad ah isugu wareejiyay.


 

Muuqaalkaasi ayaa noqday cashar dimuqraadiyadeed oo qiimo weyn leh, kana duwan sawirrada qalalaasaha iyo xasillooni darrada ee ka jira dalal badan oo gobolka ah, iyadoo Somaliland markale dunida u dirtay farriin muujinaysa in dimuqraadiyaddu aanay ku koobnayn codbixin oo keliya, balse ay ku dhisan tahay aqbalidda natiijada doorashada, ilaalinta xasilloonida iyo mudnaanta qaranka.


 

Sidoo kale, munaasibadda waxa hareeraha Madaxweynaha Somaliland fadhiyay Madaxweyne Ku-xigeenka xilka haya iyo Madaxweyne Ku-xigeenno hore oo dalka hoggaamiyay, taas oo astaan u ahayd dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland ee ku dhisan kala dambayn, is-ixtiraam iyo qori isu dhiib nabdoon.


 

Waxaa sidoo kale goobta si sharaf leh uga muuqday guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland, madaxda labada gole Baarlamaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, madax-dhaqameedka, ururrada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo muujiyay midnimo, wadajir iyo wada-lahaanshaha qarannimada Somaliland.


 

Munaasibaddan qaran ayaa mar kale iftiimisay in dimuqraadiyadda Somaliland aanay ahayn hannaan siyaasadeed oo keliya, balse ay tahay dhaqan bulsho iyo heshiis qaran oo salka ku haya nabad, wada-tashi, wada noolaansho iyo ilaalinta jiritaanka qaranka. Somaliland ayaa sidaas dunida ugu muujisay in Geeska Afrika laga hirgelin karo nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya, laguna ilaalin karo nabad iyo wadajir.

     
Loading...