Madaxweyne Cirro oo farriin adag u diray dowladda Soomaaliya

Tuesday May 19, 2026 - 12:16:45
hadhwanaagnews
Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyey munaasibad caawa dhacday,



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa farriin adag u diray dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay tahay dal go’aankiisa tashaday, islamarkaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay diiradda saarto xalinta dhibaatooyinka u gaarka ah.


 

Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyey munaasibad caawa dhacday, ayaa si toos ah u yidhi: "Dawladda Xamar waxa aan odhanayaa, Somaliland way tashatayee gurigiinu wuu gubanayaa ee gurigiina iska hagaajista.”


 

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay aaminsan tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana aanay doonayn colaad, qalalaase iyo iska hor imaad.


 

Waxa uu xusay in Somaliland ay jeceshahay in gobolka uu helo nabad iyo deganaansho, balse aanay aqbalayn in la rajeeyo dhibaato ka dhacda Somaliland.


 

"Anagu in aad nabad heshaan baanu jecel nahay, idinkuna waxa aad jeceshihiin in Somaliland ay dhibi ka dhacdo, waxba ka dhici maayaan. Somaliland waa ay isku filan tahay, arrimaheeda iyada ayaa xalisata, UN-na uma yeedhato, waddamo shisheeye-na ma ilaaliyaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

     
Loading...