hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland (GDUS&AAQ), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka shuruucda iyo gudashada waajibaadka Qaran ee Guddida.
Guddidan oo ah hay’ad Qaran oo madax-bannaan ayaa u xilsaaran diiwaangelinta, kormeerka, kobcinta iyo xallinta khilaafaadka Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda.
Xubnaha Guddida ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso shaqada Guddidu, qorshayaasha dhow iyo kuwa fog iyo caqabadaha jira.
Intii uu kulanku socday, Guddidu waxay Madaxweynaha siisay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha ka qabsoomay dhinacyada nidaamka dimuqraadiyadda iyo axsaabta badan, iyaga oo sidoo kale Madaxweynaha guddoonsiiyey Qorshaha Istaraatiijiyadda Guddida ee sannadaha 2025–2026.
Sidoo kale, Guddidu waxay soo bandhigtay qorshayaal ay ku casriyeynayso hawl-qabadkeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dhammaan xogta Guddidu kaydiso loo beddelo Digital Database, samaynta Democracy Academy, dib-u-habaynta dimuqraadiyadda, dhiirrigelinta ka-qaybgal loo dhan yahay, kobcinta axsaabta siyaasadda, iyo xoojinta isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Guddida ku bogaadiyey dadaalka iyo masuuliyadda ay qaranka u hayaan, isaga oo ku boorriyey inay dardargeliyaan oo dhammaystiraan hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale Guddida u xaqiijiyey in Xukuumaddu garab taagan tahay hay’adda u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta dimuqraadiyadda, isaga oo ku adkeeyey inay si daacadnimo, madax-bannaani iyo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda.
Madaxweynaha ayaa xusay in gudashada waajibaadka Guddidu ay muhiim u tahay sii xoojinta dhaqanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha Qaranka.