xogbaahin.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday National 9/11 Pentagon Memorial ee dalka Maraykanka, oo ah goob lagu xuso dadkii ku naf waayey weerarkii argagixiso ee 11-kii Sebtembar 2001 ka dhacay Pentagon-ka.
Madaxweyne Cirro ayaa halkaasi ku maamuusay dhibbanayaashii ku geeriyooday weerarkaas, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xasuusto dadkii naftooda ku waayey dhacdadii 9/11.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland, 25 sano kadib, ay weli xasuusan tahay dadkii ku naf waayey weerarradii 11-kii Sebtembar, isla markaana ay garab taagan tahay Maraykanka iyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Booqashada Madaxweyne Cirro ee goobta xuska ayaa ku soo beegantay xilli uu ku guda jiro booqasho uu ku joogo Maraykanka, halkaas oo uu kulamo iyo hawlo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ka wado.


