Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Kormeer Kedisa Ah Ku Tagay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha

Saturday September 26, 2026 - 23:08:53
hadhwanaagnews
Intii uu kormeerku socday, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha



Hargeysa — Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta kormeer kedis ah ku tagay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha uu Madaxweyne Ku-xigeenku ugu kuurgalayo habsami-u-socodka shaqada hay’adaha kala duwan ee dawladda, iyo sidii loo hubin lahaa in masuuliyiinta iyo shaqaaluhu si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

 

Intii uu kormeerku socday, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda, isaga oo wax ka weydiiyay xaaladda shaqada, adeegyada ay Wasaaraddu bulshada u hayso iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee dalka.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo shaqada, la ilaaliyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana mudnaanta la siiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

 

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha maamulka ee lagu qiimaynayo habsami-u-socodka shaqada hay’adaha dawladda iyo fulinta waajibaadka loo igmaday.

     
Loading...