Madaxweyne Cirro Oo Washington Kula Kulmaya Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Dowladda Maraykanka

Saturday September 12, 2026 - 15:44:51
xogbaahin.com
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona Frank Garcia, Kaaliyaha....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu magaalada Washington kula kulmo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, Pentagon-ka iyo Congress-ka, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday POLITICO.

 

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Senator Ted Cruz, oo hore u muujiyey taageerada aqoonsiga Somaliland, iyo Brian Mast, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanka.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona Frank Garcia, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka.

 

Kulamadan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca, muhiimadda istaraatiijiga ah ee dekedda Berbera iyo Badda Cas, iyo doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

 

Booqashada Madaxweyne Cirro ee Washington ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka iyo inay soo bandhigto muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland ay ku leedahay gobolka.

     
Loading...