hadhwanaagnews

Hargeysa – Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ayaa yeeshay kulankoodii saddex-biloodlaha ahaa, kaas oo lagu lafa-guray dardargelinta mashaariicda horumarineed, caqabadaha hortaagan hirgelintooda iyo qorshaha hawlgelinta Dekedda Maydh.
Kulanka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, waxaa shir-guddoominaysay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, Hay’adda Dekedaha Somaliland, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo wakiillo ka socday deeq-bixiyeyaasha.
Qodobka si gaar ah diiradda loogu saaray kulanka ayaa ahaa warbixin ku saabsan hawlgelinta Dekedda Maydh, taas oo ay soo bandhigtay Hay’adda Dekedaha Somaliland. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda iyo horumarka laga sameeyay dekedda, fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee laga filayo iyo caqabadaha weli u baahan in wax laga qabto.
Guddidu waxay sidoo kale dib-u-eegis ku samaysay faylalka kala duwan ee mashaariicda SDF, iyadoo qiimayn lagu sameeyay heerka ay marayaan mashaariicdu iyo caqabadaha saamayn kara hirgelintooda.
Doodda kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal wax-ku-ool ah oo lagu dardargelinayo mashaariicda, iyadoo la hubinayo in maalgelinta horumarineed loo adeegsado si hufan, isla markaana mashaariicdu ku dhammaadaan waqtigii iyo miisaaniyaddii loo qorsheeyay.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, wakiillo ka socday deeq-bixiyeyaasha Ingiriiska iyo Denmark, iyo masuuliyiin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Ugu dambayn, Guddida Hagidda Wadajirka ah ayaa isku raacay in la sii xoojiyo kormeerka, isku-duwidda iyo dardargelinta mashaariicda SDF, si maalgelinta loogu beddelo adeegyo iyo fursado horumarineed oo si toos ah uga faa’iideeya bulshada.