Togdheer: Ehelka Eedaysane Dil Loo Haysto oo Ku Wareejiyey Guddida Nabadgelyada

Tuesday October 27, 2026 - 11:32:59
hadhwanaagnews
Isaga oo arrintan ka hadlayey, ayuu yidhi:


Burco (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Saleebaan Doob, ayaa sheegay in ehelka eedaysane loo haysto dil afar bilood ka hor ka dhacay gobolka ay ku wareejiyeen Guddida Nabadgelyada, kaddib markii uu eedaysanuhu iskii isku soo dhiibay.

 

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey odayaasha iyo ehelka eedaysanaha, isaga oo ku ammaanay doorkii ay ka qaateen soo afjaridda baadi-goobka eedaysanaha iyo sidii uu gacanta ugu soo geli lahaa hay’adaha amniga.

 

Isaga oo arrintan ka hadlayey, ayuu yidhi:

 

"Waanu idinka guddoonnay eedaysanaha, oo iskii isu soo dhiibay sida ay odayaashu sheegeen. Anigu, illaa maalintii aan xafiiska imi, waan ku niyad samaa baadi-doonkiinna, waanan ogaa inaad run sheegaysaan oo xaqiiqada ka hadlaysaan.”

 

Guddoomiyaha oo Balanqaaday Inuu Ka Shaqaynayo Nabadda

 

Guddoomiye Doob ayaa sidoo kale ammaanay sida deggan ee ay u wada hadleen odayaasha iyo labada dhinac, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-afgarad.

 

Waxa uu ballanqaaday in maamulka gobolku ka shaqayn doono sidii labada dhinac la isugu soo dhoweyn lahaa, loona ilaalin lahaa nabadda iyo wadajirka bulshada.

 

Dhacdadan ayaa daba socota dilka la sheegay inuu afar bilood ka hor ka dhacay Gobolka Togdheer, iyadoo eedaysanaha hadda loo gudbiyey Guddida Nabadgelyada, kaddib markii uu iskii isu soo dhiibay, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolku.

     
Loading...