Madaxweyne Cirro Oo Ka Digay Fal Kasta Oo Khatar Gelin Kara Nabadgelyada Itoobiya

Thursday October 15, 2026 - 13:47:26
hadhwanaagnews
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka dhexeeyaan xidhiidh

May be an image of one or more people


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo khatar gelin kara nabadgelyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya.

 

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer, derisnimo iyo iskaashi, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

"Waxaanu si adag uga soo horjeednaa faragelinta iyo fal kasta oo khatar gelin kara xasilloonida iyo nabadgelyada Itoobiya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka uu Madaxweynaha Somaliland ka qaatay ilaalinta nabadgelyada Itoobiya, oo ay Somaliland deris yihiin, isla markaana ay wadaagaan xidhiidho iskaashi iyo dano goboleed.

     
Loading...