hadhwanaagnews

Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa hambalyo u diray Sarkaal G/Dhexe Eng. Axmed Ismaaciil Cige, oo shalay, 21-ka Agoosto 2026, ka qalin-jabiyey National Defense University, Army Command and Staff College ee Taiwan (R.O.C).
Sarkaalka ayaa muddadii uu waxbarashada ku jiray bartay culuumta sare ee maamulka, hoggaaminta iyo taliska ciidanka, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ciidamada.
Taliyaha Guud ayaa ku bogaadiyey sarkaalka guusha uu gaadhay, isaga oo sheegay in tababarka uu soo dhammaystay uu wax weyn ka tari doono qorshaynta iyo go’aan-qaadashada, kordhinta awoodda hawlgallada ciidanka iyo xoojinta xirfadaha hoggaamineed.
Tababarkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qayb qaato tayaynta nidaamka hoggaamineed iyo kor u qaadista awoodda ciidanka ee dhinacyada qorshaynta iyo maamulka.




