hadhwanaagnews

Taipei — Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-lung, ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, iyo wefti uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa wada-shaqaynta labada dhinac ee muddooyinkii dambe sii kordhaysay.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqaynta hay’adaha labada dhinac, si loo abuuro hannaan fududeeya iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo wada-shaqaynta dhinacyada ay Somaliland iyo Taiwan danaha wadaagaan.
Labada dhinac ayaa muujiyay muhiimadda ay siinayaan sii horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo la doonayo in iskaashiga jira loo beddelo wada-shaqayn muuqata oo ay labada dhinac si wadajir ah uga faa’iidaystaan.





![]() |
![]() |