Maraykanka Oo $15 Milyan Abaalmarin Ah U Ballanqaaday Xogta Saddex Sarkaal Oo Sare Oo Iiraan Ah

Wednesday September 30, 2026 - 17:50:51
hadhwanaagnews
Sarkaalka labaad ayaa lagu magacaabaa Axmad Jafarabadi, oo lagu tilmaamay,,,,



Washington — Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan $15 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta xog horseedi karta in la helo saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

 

Saraakiisha Washington ay raadinayso waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Cabdullah Mehrabi, oo lagu sheegay inuu madax ka yahay waaxda cilmi-baadhista iyo isku-filnaanshaha ee ciidamada cirka iyo hawada sare ee IRGC.

 

Sarkaalka labaad ayaa lagu magacaabaa Axmad Jafarabadi, oo lagu tilmaamay inuu yahay sarkaal sare oo masuul ka ah hawlgallada ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka.

 

Sarkaalka saddexaadna waa Cali Asghar Norouzi, oo ah ku-xigeenka taliyaha u qaabilsan diyaar-garowga iyo taageerada ciidamada Ilaalada Kacaanka.

 

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, iyadoo Maraykanku uu sidoo kale Talaadadii cunaqabateyn ku soo rogay 10 qof iyo hay’ado uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Wasaaradda Difaaca Iiraan.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi qayb ka yihiin dadaallada Washington ay ku beegsanayso shabakadaha iyo masuuliyiinta ay ku eedaynayso inay gacan ka geystaan horumarinta awoodaha milatari ee Iiraan.

     
Loading...