Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Denmark iyo Midowga Yurub ugu baaqay inay qiimeeyaan xaaladda Somaliland

Wednesday August 12, 2026 - 17:32:09
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha



Hargeysa – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa Denmark, dalalka Iskaandineefiyaanka iyo Midowga Yurub ugu baaqay inay si dhab ah u qiimeeyaan xaaladda siyaasadeed iyo juqraafiyeed ee Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa hadalkan sheegay kulan uu la yeeshay Safiirka Denmark, Steen Sonne Andersen, isagoo tilmaamay in Somaliland ay leedahay hay’ado qaran oo dhisan, nidaam dimuqraadi ah, nabadgelyo iyo dawladnimo muddo dheer soo dhisnayd.

 

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu Safiirka Denmark ku baraarujiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Iskaandineefiyaanka iyo Midowga Yurub ay garwaaqsadaan xaqiiqada siyaasadeed ee Somaliland iyo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay mudan tahay in xaqiiqadeeda siyaasadeed loo wajaho si ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Somaliland, iyo doorka ay ku leedahay amniga Geeska Afrika.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda Somaliland u leedahay sugidda amniga marinnada istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo laf-dhabar u ah isu-socodka ganacsiga iyo amniga gobolka.

 

Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Madaxweyne-ku-xigeenku Safiirka Denmark u gudbiyey baaqa Somaliland ee ku aaddan in beesha caalamku si dhab ah u qiimeyso xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo kaalinteeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

     
Loading...