Maamulka Togdheer oo Beeniyey Wararka Ku Saabsan Jabsiga Kaydka Daawooyinka

Wednesday March 25, 2026 - 00:16:43
hadhwanaagnews
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka iyo Isu-duwaha Caafimaadka,,,



Maamulka Gobolka Togdheer iyo Wasaaradda Caafimaadka Gobolka ayaa si wadajir ah u beeniyey warar maalmihii u dambeeyey si weyn loogu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in la jabsaday kaydkii daawooyinka ee gobolka.


 

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka iyo Isu-duwaha Caafimaadka ayaa caddeeyey in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanay jirin wax dhacdo ah oo noocaas ah oo ka dhacay gobolka.


 

Masuuliyiintu waxa ay sidoo kale ku adkeeyeen in la qaadi doono tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo ku lug yeelata faafinta warar aan xaqiiqo ku dhisnayn ama bulshada lagu marin-habaabiyo.


 

Waxa ay bulshada ugu baaqeen inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin, isla markaana ay xogaha ka qaataan ilo rasmi ah si loo ilaaliyo kalsoonida iyo xasilloonida bulshada.


     
Loading...