Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Ka Hadlay Dalalka Ka Soo Horjeeda Aqoonsiga

Sunday March 08, 2026 - 14:17:06
HADHWANAAGNEWS
"Ha galeen jahannamo."

No photo description available.



Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si adag uga hadlay dalalka ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay ku foogan tahay danteeda iyo horumarinta qaddiyaddeeda.


 

Wasiirku wuxuu xusay in Somaliland aanay dheg jalaq u siin doonin dalalka ka soo horjeeda aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo hadal kulul ku sheegay:


"Ha galeen jahannamo.”


 

Hadalka wasiirka ayaa lagu daabacay wareysi uu siiyey wargeyska Koert, halkaas oo uu ku caddeeyey in Somaliland ay sii wadi doonto raadinta aqoonsiga caalamiga ah, iyada oo aan loo eegin cid kasta oo arrintaas ka soo horjeeda.


 

Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay soo martay marxalado adag tan iyo sannadkii 1991, markaas oo ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, isla markaana ay muddo dheer ku hawlanayd dhismaha nabad, dawladnimo iyo dimuqraadiyad.

     
Loading...