Guddoomiyaha Waxbarashada Maroodi-Jeex oo Furay Tababar Macallimiinta loo Qabtay

Saturday March 07, 2026 - 12:36:27
HADHWANAAGNEWS
Masuuliyiinta ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay dadaallada...



Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-Jeex, Khadar Cabdi Ibraahim, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabanayo qaar ka mid ah macallimiinta dugsiyada gobolka.


 

Tababarkan oo ay fulinayso hay’adda UJAMAA Somaliland ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista wacyiga macallimiinta iyo barashada hababka ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah carruurta.


 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo badbaadada ardayda dugsiyada, isla markaana lagu dhisayo deegaan waxbarasho oo ammaan ah oo ay ardaydu ku helaan waxbarasho tayo leh.


 

Sidoo kale, macallimiinta ka qaybgalaya tababarka ayaa lagu wacyigelinayaa sida loo aqoonsado loogana hortago falalka waxyeellada u geysan kara carruurta, si loo ilaaliyo xuquuqda iyo badqabka ardayda.

     
Loading...