Waxaanu yidhi."Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta ummadda Somaliland u sheegay in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in qiimaha adeegyadaasi ay ahaan doonaan sidii hore ilaa amar dambe, isla markaana Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta si arrintan xal waara looga gaaro.
Waxaanu yidhi."Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.
Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland”.