Madaxweynaha oo iftiimiyay in Somaliland ay gaadhay guulo dibmaasiyadeed oo weyn

Tuesday August 19, 2025 - 11:10:29
hadhwanaagnews
Madaxweynaha ayaa iftiimiyay sida xukuumaddiisu u xoojisay xidhiidhka ,...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad u muujiyey ahmiyadda guulaha diblomaasiyadeed ee ay Somaliland gaadhay iyo sida ay guulahaasi u xoojiyeen sumcadda qaranka JSL. Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin culus u diray dawladda fadhiidka ah ee Muqdisho, isaga oo ugu baaqay in aanay ku hinaasin horumarka siyaasadeed ee Somaliland, maadaama oo aanay awood u lahayn in ay joojiyaan himilada iyo horumarka qaranka.

Madaxweyne Cirro ayaa caddeeyey in Somaliland aanay cidna duulaan ku ahayn, isla markaana ay si dhakhso ah u gaadhayso yoolkeeda istaraatiijiyadeed. Wuxuu xusay in Somaliland ay horumar ballaadhan ka samaysay arrimaha siyaasadda dibadda, guulahaas diblomaasiyadeedna ay ka tarjumayaan aqoonsiga caalamiga ah ee madaxbannaanida iyo xuduudaha dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale beesha caalamka u iftiimiyay in gobollada Sool iyo Sanaag ay qeyb ka yihiin Somaliland, isla markaana ay ka mid yihiin qaranka guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay sida xukuumaddiisu u xoojisay xidhiidhka caalamiga ah, muhiimadda iskaashiyada istaraatiijiga ah, iyo soo jiidashada maalgashadayaasha, gaar ahaan Berbera iyo xeebaha istaraatiijiga ah. Waxa uu xusay in Somaliland ay leedahay 850 km oo xeeb ah, taas oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay ku jirto khayraad badeed oo sannadkii lagu qiyaasay in laga heli karo ugu yaraan $1 bilyan. Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey in khayraadkan dabiiciga ah, gaar ahaan badda iyo kalluumeysiga, loo baahan yahay in si xirfad leh loo maamulo, lana ilaaliyo si uu u noqdo mid waara.

Hadalka Madaxweynaha ayaa muujinaya geesinimo iyo feejignaan hoggaamineed, isagoo caddeynaya sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, sharafkeeda, iyo horumarka siyaasadeed. Wuxuu sidoo kale xoojinayaa kalsoonida shacabka ee hoggaanka iyo himilada qaranka, isagoo caddeynaya in Somaliland ay horumar weyn u soo socoto, isla markaana ay diyaar u tahay in ay difaacdo danaha iyo sharafta dadkeeda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ardayda ka qalinjabiyay Jaamacadda Culuunta Badda iyo Kalluumeysiga ee Berbera, ayaa ku dhiirrigeliyay in aqoontooda ay ugu adeegaan dalkooda si daacadnimo iyo xirfad leh, iyagoo ilaalinaya khayraadka dabiiciga ah. Tani waxay muujinaysaa sida hoggaanka Somaliland uu u danaynayo horumar waara, tayada aqoonta, iyo ka qaybgalka da’yarta ee difaaca danaha qaranka.

Madaxweynaha oo isaga oo farriin u dirayay dawladda fadhiidka ah ee Muqdihso waxa uu yidhi "Qoloda Soomaaliya waxaan leeyahay waxba ha ka hinaasina Somaliland, sababta oo ah ma joojin kartaan, Somaliland way soconaysaa, danteeda ayay wadataa, cidna dhibaato kuma aha, cidna duulaan kuma, waxa ay doonaysana way gaadhaysaa, waxaanay noqonaysaa dal madax-bannaan” Madaxweynaha ayaa intaa ku daray |Somaliland adduunku wuu yaqaanaa, maabkeeda iyo xuduudaheedana wuu yaqaanaa. Ama Sool bari ku shira ama meel kale ku shira, Sool iyo Sanaag waa Somaliland, shacabka Sool bari-na waa Somaliland, mana kala maarmayaan. Shacabka reer Sool bari, waxaan leeyahay Xamar waxaa idiinka dhaw Hargeysa, iyada ayaad wax wada leedihiin. Somaliland waxay sugi doontaa nabaddeeda iyo xuduudaheeda; cidna kuma duulaan aha, laakiin waxa waajib ka saaran yahay in ay difaacdo dadkeeda iyo dalkeeda oo ay ammaankiisa sugto.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay iskaashiga caalamiga ah iyo maalgashiga waxa uu yidhi "Somaliland dunidu si wayn ayay u danaynaysaa; waxay u danaynaysaa iskaashi dhaqaale oo ay baddu ka mid tahay. Sidaad ogtihiin, dhawaan taliyaha ciidamada badda iyo wasiiro badan ayaa tagay dalka Taiwan, halkaas oo aynu ku galnay heshiis dhigaya in aynu iska kaashano horumarinta baddeena iyo ciidanka xeebaha. Dalkan maalgashadayaal badan ayaa ku soo socda oo danaynaya dalkeena, gaar ahaan Berbera, waxaana la doonayaa in aynu diyaarino weelkii aynu u dhigan lahayn maalgashigaas caalamiga ah ee ballaadhan. Dalal badan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka ayaa danaynaya in ay Somaliland xidhiidh la yeeshaan.”

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu ka hadlay khayraadka dabiiciga ah ee ku jira xeebaha Somaliland iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee baddeeda, "Dhul ahaan, badda Somaliland waxay ku taalaa meel ay indhaha dunidu ku soo jeedaan. Maantana, marka gobolka la eego, waxaynu nahay dalka ugu badda weyn, waxaynu leenahay xeeb dheer oo 850 km ah oo eegaya Gacanka Cadmeed ee Badda Cas, halkaas oo ah goob muhiim ah oo qiimo weyn u leh ganacsiga caalamka dhammaantii,” ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu intaasi raaciyay "Baddeenu waa goob muhiim ah oo khayraad badani ku jiro; 850 km oo xeeb ah ayaynu leenahay waxa lagu qiyaasay inta ugu yar in aynu kala soo bixi karno sannadkii 1 bilyan oo dollar. Waa meel aan abaaroobin, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in aynu kala soo baxno khayraadka qaniga ah ee ku jira baddeena.”

Gunaanad ahaan, hadalka Madaxweyne Cirro wuxuu caddeynayaa in Somaliland ay leedahay hoggaan leh aragti fog, geesinimo, iyo qorshe cad oo ku wajahan horumar waara, ilaalinta madax-bannaanida, iyo difaaca khayraadka dabiiciga ah. Guulaha diblomaasiyadeed, qorshaha maalgashi, iyo ilaalinta badda iyo kalluumeysiga ayaa noqday astaan muujinaysa in Somaliland ay waddo horumar muuqda oo istaraatiiji ah.

     
Loading...