Wasiirka Waxbarashada oo ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Qaranka JSL

Sunday August 17, 2025 - 13:43:14
hadhwaangnews
• Fasalada 4-aad ee Dugsiga sare:


 Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada imtixaannada fasalada 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo fasalada 4-aad ee dugsiyada sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2024–2025 waxaa galay in ka badan 40 kun oo arday.
• Fasalada 8-aad:

o Guud ahaan imtixaanka waxa galay 24,103 arday (13,550 wiilal iyo 10,553 hablo).
o Ardayda gudubtay waa 23,693, taas oo u dhiganta 98.3%.
o Ardayda aan gudbin waa ku dhowaad 1%.
• Fasalada 4-aad ee Dugsiga sare:
o Waxaa imtixaanka galay 15,978 arday (8,095 wiilal iyo 7,883 hablo).
o Ardayda gudubtay waa 15,647, taas oo u dhiganta 97.9%.
o Ardayda dhacday waa qiyaastii 2%.
Wasiirka ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda ku guuleysatay imtixaanka iyo waalidiintooda, isagoo sidoo kale mahadnaq u jeediyay macallimiintii iyo guddidii shaqada adag ee saxista imtixaanka qabtay.
     
Loading...