Madaxweynuhu waxa uu halkaa ka jeediyay hadal mug leh oo si qoto
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 5-aad ee SAFARKA WAXQABAD IYO MIDNIMO ee ay ku joogeen Magaalada Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay TAALLADA HALGAMAAGII WEYNAA EE REER BURCO EE XORNIMO U DIRIRKA ahaa AHUN Sheekh Bashiir Yuusuf Xaaji Xasan.
Madaxweynuhu waxa uu halkaa ka jeediyay hadal mug leh oo si qoto dheer u taabatay quluubta iyo shucuurta bulshada reer Burco, isaga oo ummadda reer Somaliland dib u xusuusiyay kaalintii iyo halgankii geesinimada lahaa ee uu Sheekh Bashiir ku xardhay Taariikhda Xornimo-doonka Ummadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in dib-u-dhiska iyo qurxinta Taallada Sheekh Bashiir ay astaan u tahay Sharafta, Xusuusta, Xurmaynta iyo dhiirrigelinta jiilasha soo socda, si ay u fahmaan, xasuustoodana ay mar walba ugu dhignaato qiimaha halgankii loo soo maray xorriyadda iyo madaxbannaanida Somaliland.
Bulshada iyo masuuliyiintii ka qayb-gashay Munaasibadda Dhagax-dhigga ayaa si weyn u muujiyay dareen sharaf iyo qiiro leh, iyaga oo ku tilmaamay taallada Sheekh Bashiir in ay tahay dhaxal Qaran oo Taariikhi ah oo kobcinaya wacyiga iyo garaadka waddaniyadeed ee bulshada Somaliland.