Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gaadhey Gobolka Saaxil

Sunday August 17, 2025 - 13:39:48
hadhwaangnews
Inta uu ku sugan yahay gobolka, Madaxweynaha ayaa xadhigga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ugu baxay gobolka Togdheer ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Inta uu ku sugan yahay gobolka, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo la dhamaystiray, sidoo kalena wuxuu dhagax dhigi doonaa mashaariic cusub oo horumarineed, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee gobolka.
     
Loading...