hadhwanaagnews
Madaxwaynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta qaaliga ka ah dunida, waxa kalen oo uu intaasi kudaray in uu awooda saarayo sidii uu maalgashi ugu raadin lahaa Somaliland, isagoo tilmaamay in Somaliland soo dhaweynayso nooc kaste oo maalgashi oo dalka laga samaynayo.
"Macdanaha ugu qaalisan dunida way ka buuxaan Somaliland, waxaan leenahay Maalgashadayaasha wax sheegta waad ka helaysaan. Waxaan leenahay haddii maalgashigu dux yeelanayo, ka Somaliland la galiyo ayaa ugu dux badnaanaya,albaabaduna waa idiin furan yihiin waana soo dhaweynaynaa”Madaxwaynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadalkan ka sheegay shirka Maalgashadayaasha Somaliland oo caasimada Hargeysa lagu qabtey.
Shirwaynaha maalgashiga oo ay soo qanqaabisay wasaaradda maalgshiga iyo dalxiiska Somaliland ee shalay ka furmay magaalada hargaysa ayaa waxa ka soo qaybgalay 80 maalgashade kuwaasi oo ka kala socday 23 dal.
Madaxwayne cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ciro ayaa madasha ka sheegay shirkada Dp world oo muddo haatan laga joogo toban sano dekada Berbera ku maalgalisay aduun laceeg oo dhan 400 milyan oo doller ay keentay inay soo jiidato indhaha aduunka, waxana uu intaasi ku daray in mudada xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ee haatan talada dalka haysaa mudadi ay majaraha dalka hogaaminaysay aduunka ka dhaacisay in Somaliland tahay dal siyaasad ahaan degan, nabad ah soo dhawaynaya maalgashiga dunida oo dhan.
Madaxwayanaha Somaliland ayaa cadeeyey in safaradii uu ku tagay dalka dibadisa dhamaan uu dhiirigalinayey arimaha maalgashiga Somaliland, waxa kale oo uu madaxwaynuhu intaasi ku daray in inta badan cidkasta oo uu la kulmo ku dhiiri galinayey maalgashiga dalka, sigoo madaxwaynahu sheegay in dadka qaar Soamlialnd u haystan dalka faqiir ah balse waxa uu ku dooday in Somaliland tahay dal hodan ah.
Madaxwayanaha Jamhuuriyadda somaland ayaa maruu ka hadlayey khayraadka Somaliland hodanka ku tahay waxa uu yidhi”Somaliand waxay hodan ku tahay dhul Beereed dihin, waxay hodan ku tahay bad 850 kiiloo mitir ah oo aan laga faa’iidaysan, waxay hodan ku tahay wax yaabaha laga dhaliyo tamarta nadiifta ah sida dabaysha, iyo cadceeda, waxay hodan ku tahay meelaha dalxiiska, waxay hodan ku tahay shidaal boqol kii sano ee u dameeyey lalahaa waa la soo saarayaa”.
Gabogabadii, madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi ciro ayaa sheegay inay jiraan shirkada yar yar oo maalgashi ku sameeyey soo saarista madacdanta gaar ahaan dahabka waxana uu intaasi ku daray in dal ku uu u baahan yahay maalgashi intaasi ka balaadhan, waxana uu shirkadaha yar yar ee haatan ku hawlan soo saarita iyo qodista dahabka ku amaanay shaqada ay hayaan