hadhwanaagnews
Fikirka qofku waa bilowga wax kasta oo uu sameeyo. Fikirku wuxuu isu baddalaa ereyo, ereyaduna waxay noqdaan ficillo, ficilladuna waxay isu rogaan caadooyin, caadooyinkuna waxay dhisaan dabeecadda qofka, halka dabeecaddu ugu dambayn noqoto aayaha noloshiisa.
Sidaa darteed, qofku waa inuu aad uga taxaddaraa fikirkiisa, ereyadiisa, ficilladiisa iyo caadooyinkiisa, maadaama ay si toos ah u saameeyaan jihada noloshiisa.
Waa muhiim in qofku qiimeeyo fikradaha maskaxdiisa ku soo dhaca iyo ereyada uu naftiisa kula hadlo. Mararka qaarkood dadka qaar waxay naftooda ku tilmaamaan ereyo xun sida: "waxba garan maayo,” "waan liitaa,” ama "dameer baan ahay.” Hadallada noocaas ahi waxay dhaawacaan kalsoonida qofka, waxayna ku reebi karaan saamayn taban.
Nebigu (NNKH) wuxuu ka digay in qofku naftiisa xaqiro. Islaamku wuxuu ina barayaa in qofku naftiisa qiimeeyo oo ixtiraamo, maadaama ay tahay amaano uu Alle siiyey.
Haddaba, ka fogow inaad naftaada ku tilmaanto erayo liidasho leh, maxaa yeelay ereyada aad naftaada ugu celceliso waxay si tartiib ah u noqdaan qayb ka mid ah dabeecaddaada.
Xasuusnow: fikirka wanaagsan, ereyada wanaagsan iyo ficillada wanaagsan ayaa dhisa shakhsiyad adag iyo nolol wanaagsan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!