Madaxweyne Cirro: "Soomaaliya Fursad Ayaan Siiyey Inay Aqoonsato Somaliland"

Wednesday June 17, 2026 - 19:56:50
hadhwanaagnews
Israa'iil oo Ka Jawaabtay Codsiga



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu hore fursad u siiyey Dowladda Soomaaliya inay aqoonsato Somaliland, balse aanay ka faa’iidaysan fursaddaasi.

 

Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu dalal kala duwan oo caalamka ah u diray dhambaal uu kaga codsanayo inay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in Israa’iil ay ahayd dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah uga jawaaba codsigaasi.

 

Israa’iil oo Ka Jawaabtay Codsiga

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Dowladda Israa’iil ay aqbashay codsigaasi, isla markaana ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee ka jawaaba baaqii uu u diray waddamada caalamka.

 

Waxa uu tilmaamay in tallaabadaasi ay ka dhigan tahay guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Somaliland iyo dedaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah.

 

Farriin Loo Diray Soomaaliya

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii uu u diray farriinta ku saabsan aqoonsiga Somaliland, balse aanay ka faa’iidaysan fursaddaasi.

 

Madaxweyne Cirro ayaa yidhi:

 

"Soomaaliya fursad ayaan u siiyey inay aqoonsato Somaliland, se kamay faa’iidaysan. Dhambaalkii dalalka dunida aan u qoray Israa’iil oo keliya ayaa ka soo jawaabtay oo Somaliland aqoonsatay. Xitaa Soomaaliya warqaddaas waan u diray inay Somaliland aqoonsato, se kamay faa’iidaysan fursadda.”

 

Dedaallada Aqoonsi Raadinta

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay sii xoojinayso dedaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah iyo ballaadhinta xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada dunida.

 

Madaxweynaha ayaa marar badan ku celceliyey in Somaliland sii wadayso dadaallada lagu xaqiijinayo aqoonsigeeda iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka.

     
Loading...