Wasaaradda Biyaha Somaliland oo dardar-gelinaysa mashaariicda biyaha

Tuesday August 11, 2026 - 15:20:26
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa sidoo kale lagu qorsheeyey dayactirka ceelasha



Hargeysa – Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa dardar-gelinaysa mashaariicda lagu horumarinayo laguna tayaynayo adeegyada biyaha, iyadoo qorshayaal cusub iyo mashaariic socda lagu doonayo in lagu yareeyo baahida biyaha ee bulshada.

 

Kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha, oo uu guddoomiyey Wasiirka Horumarinta Biyaha, Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa lagu qiimeeyey xaaladda iyo horumarka ceelasha iyo dhaammamka laga wado deegaanno kala duwan.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu qorsheeyey dayactirka ceelasha jira iyo hirgelinta ceelal cusub, kuwaas oo la filayo inay kordhiyaan helitaanka biyo nadiif ah, yareeyaan biyo-yaraanta isla markaana xoojiyaan adeegyada biyaha, gaar ahaan deegaannada baahida weyn qaba.

 

Wasaaradda ayaa sidoo kale waddo baadhista tayada biyaha iyo nadiifintooda, si bulshada loo gaadhsiiyo biyo ammaan ah oo caafimaad ahaan la isku halayn karo.

 

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa dardar-gelinaysa Machadka Farsamada Biyaha ee Xaaji Cabdi-waraabe, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya soo saarista farsamo-yaqaanno aqoon u leh daryeelka, dayactirka iyo ilaalinta ilaha biyaha dalka.

 

Hoggaanka Wasaaradda ayaa adkeeyey in la sii xoojiyo hawlaha socda, si mashaariicda biyuhu u noqdaan xal waara oo wax weyn ka tari kara baahida bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xaqiijinta helitaanka biyo nadiif ah.

     
Loading...