"Adeegga Waxbarashada Waxaan Gaadhsiinaynaa Miyi iyo Magaalaba" Wasiirka Waxbarashada

Wednesday August 12, 2026 - 17:49:00
hadhwanaagnews
Isagoo bulshada iyo ardayda la hadlayay ayuu Wasiirku ku dhiirrigeliyey



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee la diyaariyey, gaar ahaan dadka aan hore u helin fursad waxbarasho.

 

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaraddu yahay in adeegga waxbarashada la gaadhsiiyo miyi iyo magaalo, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo carruurta iyo dadka waaweyn ee ka maqnaa waxbarashada, si qof kasta loogu helo fursad waxbarasho oo ku habboon.

 

Isagoo bulshada iyo ardayda la hadlayay ayuu Wasiirku ku dhiirrigeliyey inay ka qaybqaataan Ololaha Dib-u-gu-noqoshada Goobaha Waxbarashada, isla markaana ay ka shaqeeyaan in carruurta ka maqnaa dugsiyada dib loogu celiyo waxbarashada.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu diyaarisay goobihii iyo adeeg-bixintii waxbarasho, isagoo bulshada ugu baaqay inay fariinta gaadhsiiyaan qof kasta oo aan weli helin fursad waxbarasho.

 

Waxaanu yidhi:

 

"Waxbarashadu maaha wax da’ ku xidhan; carruur iyo cirrooleba waa inay ka wada qaybqaataan. Wasaaraddu way diyaarisay goobihii lagu baran lahaa, qof kastana waxa uu heli karaa waxbarashadii ku habboonayd.”

 

Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha Wasaaraddu yahay in adeegyada waxbarashada si ballaadhan loo gaadhsiiyo bulshada ku nool miyiga iyo magaalooyinka, si loo yareeyo tirada dadka ka maqnaanaya waxbarashada loona kordhiyo aqoonta bulshada.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Qorshahayagu waa in Waxbarashada la gaadhsiiyo Miyi iyo Magaalaba, si qof walba u helo fursad Waxbarasho.”

 

Kormeerka Wasiirka ayaa qayb ka ah hawlaha lagu xoojinayo Ololaha Dib-u-gu-noqoshada Goobaha Waxbarashada, laguna hubinayo in ardaydu si habsami leh ugu soo laabtaan dugsiyada sannad-dugsiyeedka cusub.

     
Loading...