Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Ceerigaabo Kulan Nabadeed kula Qaatay Odayaasha Bariga Sanaag

Friday March 13, 2026 - 00:12:33
hadhwanaagnews
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada hadlo arrimaha

May be an image of one or more people


Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag waxaa kulan muhiim ah ku yeeshay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo odayaasha iyo waxgaradka bariga gobolka Sanaag.


 

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Siciid Sheekh Maxamed Buraale, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Bureed, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamaal Jaamac Xaamud.


 

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada hadlo arrimaha nabadda, xoojinta wadajirka bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.


 

Intii uu socday kulanka, wasiirrada iyo odayaasha ayaa isla qaatay in la sameeyo guddi kooban oo ka shaqayn doona horumarinta magaalada Ceerigaabo iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada, si loo helo xasillooni iyo horumar waara oo ka hirgala gobolka.

     
Loading...