hadhwanaagnews

Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL, oo kaashanaysa Shirkadda Al-Wadaniya, ayaa raashin gargaar ah u qaybisay 250 qoys oo ka mid ah qoysaska ku nool kaamamka barakacayaasha ee magaalada Gabiley.
Raashinka la qaybiyey ayaa ka koobnaa daqiiq iyo timir, waxaana loogu talagalay in lagu taageero qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka, kuwaas oo wajahaya duruufo nololeed oo adag.
Munaasabadda qaybinta gargaarkan waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL, Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo). Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Maayirka Magaalada Gabiley iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley, kuwaas oo si wadajir ah uga qayb qaatay kormeerka iyo dhiirrigelinta hawsha gaadhsiinta gargaarka.
Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL iyo Shirkadda Al-Wadaniya, iyaga oo ku ammaanay dadaalka ay ku garab taagan yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool Gobolka Gabiley, isla markaana tilmaamay in taageerada noocan ahi ay muhiim u tahay yaraynta dhibaatooyinka nololeed ee haysta dadka barakacayaasha ah.