HADHWANAAGNEWS 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa guddoomiyay shirka bilaha ah ee guddida farsamo ee Mashruuca Barwaaqo, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka mashruuca iyo heerka fulinta hawlaha qorshaysan.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey waxqabadkii saddexdii bilood ee hore ee sannadka, iyadoo la isla qaatay guulaha la gaadhay, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu horumarin karo mashruuca.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah xoogga loo saaray xoojinta iskuduwidda, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo hubiyo in mashruucu u socdo si waafaqsan qorshihii loo dejiyay.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Qorshaynta ee lagu dardargelinayo hirgelinta Mashruuca Barwaaqo, si uu u gaadho yoolashiisa horumarineed.