DEG-DEG: Dagaal Culus Oo Ka Socda Magaalada Baydhabo

Saturday May 30, 2026 - 08:37:02
hadhwanaagnews
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in rasaas culus iyo hubka



Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay galeen qaybo ka mid ah magaalada.


 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayo xaafado ka tirsan Baydhabo, iyadoo shacabka magaalada ay kusoo tooseen dhawaqa dagaalka iyo qaraxyada ka dhashay iska horimaadka.


 

Dagaalka oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka magaalada.


 

Ilaa hadda lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in iska horimaadku ku fidayo xaafado ka tirsan magaalada.


 

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay ka soo horjeedaan dhaarinta xildhibaannada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la qorsheeyey in maanta la qabto.

 

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.

     
Loading...