Wasaaradda Diinta Oo Dardargelinaysa La-dagaallanka Mukhaadaraadka Iyo Ilaalinta Akhlaaqda Bulshada

Saturday July 18, 2026 - 15:27:51
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa hawlaha guddiyada



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ayaanle Xasan Axmed, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta sare ee Guddiyada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista iyo La-dagaallanka Mukhaadaraadka Somaliland, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo mukhaadaraadka iyo ilaalinta qiyamka bulshada.


 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa hawlaha guddiyada, kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, loona ilaalin lahaa akhlaaqda iyo qiyamka suubban, gaar ahaan xilligan ay sii kordhayaan waxyaabaha saamaynta ku leh bulshada.


 

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay la-dagaallanka faafinta iyo xayaysiinta mukhaadaraadka, gaar ahaan kuwa lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo la adkeeyey in arrintaasi ay u baahan tahay iskaashi iyo wacyigelin joogto ah.


 

Agaasimaha Guud ayaa faray guddiyada inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, si joogto ahna u soo gudbiyaan warbixinaha hawlahooda, isla markaana ay hawlahooda gaadhsiiyaan dhammaan gobollada, degmooyinka iyo xaafadaha dalka, si loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo akhlaaqda bulshada loogana hortago faafitaanka mukhaadaraadka.

     
Loading...