hadhwanaagnews

Mararka qaarkood waxa qof u muuqda khayr iyo nimco, qof kale ayay u noqon kartaa dhibaato ama culays. Sidaa darteed, nolosha laguma kala xukumi karo hal aragti oo keliya, sababtoo ah waxa maanta shar u muuqda ayaa laga yaabaa inuu berri khayr noqdo.
Tusaale ahaan, qofku wuxuu u malayn karaa in quruxdu tahay nimco weyn, laakiin quruxdii Nebi Yuusuf (CS) ayaa sabab u noqotay in lagu xidho xabsiga. Taasi waxay ina tusaysaa in mararka qaarkood wax aynu u aragno nimco ay imtixaan noqon karaan.
Sidoo kale, dadka qaarkood waxay u arkaan shaqo la’aanta dhibaato weyn, laakiin mararka qaar shaqo ka tegid ama shaqo waayid ayaa qofka u fura fursado cusub iyo albaabbo kale oo nololeed. Dhanka kale, dadka qaarkood isla arrintaasi waxay u noqon kartaa culeys iyo dhib ku soo kordha noloshooda.
Sidaas darteed, ma sahlana in si degdeg ah loo go’aamiyo waxa inaga khayr badan iyo waxa inaga shar badan. Marar badan waxa aynu u haysanno shar ayaa noqon kara khayr, halka waxa aynu u aragno khayr ay mararka qaar dhibaato keeni karaan.
Ugu dambayn, bani’aadamku mar walba ma yaqaan waxa u wanaagsan. Sidaa darteed waxaa habboon in la yidhaahdo:
"Ma dooran naqaane, Alloow noo door.”
Alle ha inna waafajiyo wixii khayr inoo leh, hana inaga fogeeyo wixii shar inoogu jira. Aamiin.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!