Naftaada Ka Digtoonow Inta Aadan Dadka Kale Ka Digtoonaan

Friday June 19, 2026 - 17:12:03
hadhwanaagnews
Qofka guuldarraysta mar kasta ma aha kii dadka kale ka adkaadeen...



Dad badan waxay u haystaan in caqabadaha ugu waaweyn ee noloshooda ka yimaaddaan dadka ku xeeran. Waxay eedeeyaan saaxiib, qoys, shaqo-bixiye ama bulsho. Hase yeeshee, mararka qaarkood cadowga ugu weyn ee qofku ma aha dadka kale, ee waa naftiisa.

 

Dadka kale inta ay dhib kuu geysan karaan, waxaa ka badan inta naftaadu kuu geysan karto. Dadka kale inta ay fursad kaa lumin karaan, waxaa ka badan inta aad adigu fursado qaali ah gacantaada kaga lumin karto. Dadka kale inta ay hoos kuu dhigi karaan, waxaa ka weyn inta aad adigu naftaada hoos ugu dhigi karto fikir xun, caajis, cabsi ama go'aan khaldan.

 

Sidoo kale, dadka kale inta ay burburin karaan riyooyinkaaga, waxaa ka weyn awoodda ay naftaadu u leedahay inay riyooyinkaas disho haddii aad u oggolaato niyad-jab, dayac iyo isdhiibid.

 

Qofka guuldarraysta mar kasta ma aha kii dadka kale ka adkaadeen, balse badanaa waa kii naftiisa ka adkaan waayey. Waa kii rabitaankiisa, caajiskiisa, xanaaqiisa iyo damaciisa xakamayn kari waayey.

 

Xaqiiqadu waxay tahay in qofku haddii uu barto la xisaabtanka naftiisa, uu si fudud uga gudbi karo caqabado badan oo nolosha hortaagan. Inta aadan dadka kale eedayn, marka hore is weydii waxa aad adigu samaysay ama ka gaabisay.

 

Naftaadu waxay kuu horseedi kartaa guul iyo sharaf, sidoo kale waxay kuu horseedi kartaa qoomamo iyo khasaaro. Sidaas darteed, qofka ugu horreeya ee aad maamusho, la xisaabtanto oo aad toosiso waa naftaada.

 

Qofkii naftiisa hagaajiya, noloshiisa ayuu hagaajiyaa. Qofkii naftiisa dayacana, wax kasta oo kale way ku adkaanayaan.

 

Waxaa qoray: Ahmed Kadiye (fikirka asalka ah)

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...