hadhwanaagnews
Madaxweynaha dalka Senegal, Bassirou Faye, ayaa qalinka ku duugay xeer cusub oo uu hore u ansixiyay Baarlamaanka dalkaasi, kaas oo dhigaya ciqaabo adag oo ka dhan ah falalka dadka isku jinsiga ah ee isku hoos noqda.
Xeerkan ayaa dhigaya in qof kasta oo lagu helo falalkan lagu xukumi doono 5 ilaa 10 sano oo xabsi ah, isla markaana lagu soo rogi doono ganaax lacageed oo u dhexeeya 3,000 ilaa 17,000 oo doolar.
Baarlamaanka Senegal ayaa xeerkan ku ansixiyay aqlabiyad, iyadoo sidoo kale meesha laga saaray suurtagalnimadii hore ee ahayd in ciqaab fudud lagu mariyo dadka falalkan lagu helo.
Sidoo kale, xeerkan cusub wuxuu caddeynayaa in dadka lagu helo inay maal geliyaan ama taageeraan falalkan ay sidoo kale wajihi doonaan ciqaab xabsi oo culus.
Dalal kale oo Afrikaan ah, oo uu ka mid yahay Uganda, ayaa hore u soo saaray xeerar la mid ah kuwaas oo si adag u mamnuucaya falalka dadka isku jinsiga ah.