HADHWANAAGNEWS
1. Fikirka badan ( overthinking)
Awoodda ay u leeyihiin fekerka, marar badan waxay u shaqaysaa inay lid ku noqoto iyaga, taasi oo u nugleysa walaac iyo warwar.
2. Keli ahaansho ( being alone)
Waxay doorbidaan inay keli joogaan. Ma jecli dadka badan ama gebi ahaan inay dadku ku xeernaadaan.
3. Maalin-riyood ( daydreaming)
Waxay awooddaan inay sawirtaan oo ay fikiraan, marka ay qabanayaan hawlo fudud oo aan u baahnayn foojignaan badan, sida nadiifinta ( cleaning) , daawashada TV-ga iyo wixii la mid ah.
4. Saamalaylka ( stay-up late)
Waxay u janjeedhaan inay habeenkii shaqeeyaan ( night-owls), maadaama ay si fudud u awooddaan inay iska indha-tiri karaan, baahiyaha jidhka sida hurdada iyo daalka.
5. Waxay ku fiican yihiin kaftanka ( good humor)
Waxay awood u leeyihiin inay si degdeg uga fikiraan hadalo maangal ah oo ay ugu jawaabayaan, taasi oo ka dhigta kuwo dadku qoslaan.
6. Diiradsaarid aan kala go' lahayn ( undivided focus)
Waxay awood u leeyihiin inay hawl keliya waqti dheer ku mashquulsanaadaan , iyaga oo aan u dhaqaaqayn inay qalindaaraan ama jeediyaan wax gudaha ka yimid ( naftoodu ku fekerto inay joojiso hawsha) ama wax dibadda kaga yimid ( aragtiyaha dadka kale)
7. Waa kuwo wada hadalka/wada sheekeysiga ku fiican ( better conversation)
Summad waxaa u ah: hadal dhisan oo macno qotodheer leh. Waxay jecel yihiin qofka ay wada sheekeysanayaan , uu mowduuca si mug leh oo miisaan uga hadlo. Waxay doorbidaan in laga hadlo mowduucyo muhiim ah, sida ujeeddada nolosha, jaceylka iyo arrimo kale oo falsafaddeed.
W/T: Maxamed Haybe
Isha xogta: Rafael Eliassen
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!