Mooganow Dadkaygoow, Qabiil Baydin Madaxmaray, Marinka Waxad Ku Seegten,Muunaynta Reer Hebeloon, Meelayna Geynayninoon,Mashaqaysa Qarankeenan.

Tuesday September 29, 2026 - 11:37:40
hadhwanaagnews
Maaraynayso Dhimasho.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)

Tu Khaas Ahna Bahda H/W IyoAkhristayasha.

 

1-Mudnaateed Qabyaaladi,

Macno Waxay Samaysaa,

Mag Markaad Ku Bixisaa,

Maaraynayso Dhimasho.

 

2-Magaceedse Wuxu Ba"Ay,

Markii Loo Adeegsaday,

Maamul Dawladnimade,

Meel Maray Muraadlihi.

 

3-Marka Loo Mashxarade,

Mudanah La Dooranayo,

Midnimadu Xumaataayo,

Maamusku Yahay Beesha.

 

4-Mudo Gaaban Dabadeed,

Murkacataa Dantii Guud,

Meehanawgu Yeedhaayo,

Meeraysigaynu Diidnana.

 

5-Musdanbeed Qabyaalidu,

Madaxda Weeye Dhaqanko,

Ma Gudbaha Siyaasiga Ah,

Macalqabbad U Wada Yahin.

Handuleh Ismail.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...