hadhwanaagnews
Bismilahi Alraxmaan Alraxiim.
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Samir Qaadan Maayaan,
Sidan Xaal Intuu Yahay,
Suldaaniyo Xukuumado,
Samatalis Ma Leenahay.
2-Saciimiyo Shuyukhdiinu,
Sax Maydiin Tilmamaan,
Mise Waa Siyaasiyiinaan,
Saamaxada Sheegaynin.
3-Sankuneefleh Aadmigu,
Waxan Ay Samaysteena,
Sulux Ma Uga Baadheen?
Salguur Weeye Dhaqanki.
4-Seedi Iyo Xididnimadiina,
Somalilan Iyo Sool Bari,
Soodhiyo Dagaal Mooye,
Samahu Kama Shaqeyan.
5-Dantu Seeto Weeyaane,
Sanka Laysla Raacayo,
Siyaasigi Way Heshiiyee,
Sawjaradii Aya Maqan.
6-Si Kaleeto Lagu Waaye,
Saylada Xarash Geeya,
Sixirbararkan Baahaye,
Saameeyay Dunido Dhan,
Ku Sargoosta Qiimaynta.
Ismail Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!