1. Baro sida aad u xakamayn lahayd shucuurtaada.
Shucuuruhu ( emotions) waxay mararka qaar ka awood badan yihiin fikirka mandiqiga ah ( logical) waxayna kaa indha-saabi karaan inaad si cad wax u aragto, haddii ay fursad kaa helaan.
Barashada xakamaynta dareennada, adiga oo adeegsanaya fikirka deganaanta ( mediation), is-falaqaynta ( self-reflection) iyo iska-warqabka ( self -awarness) , waxay kaa badbaadin karaan inaad qaadato, go'aanno aan loo baahnayn oo nacasnimo ah.
2. Dib u milicsi badan samee ( reflect a lot)
Mar walba waxaynu noqonnaa kuwo garasho badan , marka dib loo eego wixii dhacay; taas aad uga faa'iidayso.
Marka xaallad kusoo martay dhammaato , dib u jaleec oo wax ka baro. Halkaas waxaad ka heshay waaya-aragnimo garab kuu noqda, marka aad la kulanto xaalladdan adag oo kale. Waxaad tahay waaya-arag.
3. Akhri buugaag badan ( read more books)
Ujeedda ugu weyni waa in maskaxdaada lagu hago, la hawlgaliyo waxna barato. Sidoo kale waa inay hanato xogta iyo fikradaha ka qiimo badan dahabka, ee ku dhex jira buugaagta qaarkood.
4. Wax walba hore ugasii fikir
fikir badan ha kusii bixinin; ha ku badinin fikirka, waxay kugu keeni kartaa inaad naftaada cabsi geliso ama kalsoonida kaa disho , balse ka fikir uun inta kugu filan, si aannad xaalladda u wajihin, adiga oo aan qorsho lahayn.
Dhowr daqiiqo oo aad ku bixiso qorshaha iyo waxaad dooneyso, waxay wax weyn ka baddali karaan natiijada aad gaadhayso.
Adeegso hagahan, si aad u garato inta ay tahay inaad ka fikirto xaalladda:
A. Xaaladda fudud: 30 ilaa 60 ilbidhiqsiyo ( seconds)
B. xaaladda dhexdhexaadka ah: 2 ilaa 5 daqiiqo.
C. Xaaladda adag: 15 ilaa 30 daqiiqo.
5. Isku day hab ka duwan ( try different approach)
Waxaad rabtaa inaad balaadhiso awoodda xidhiidhka maskaxdaada , adiga oo ka eegaya waddooyin kala duwan, oo lagu gaadhi karo hal yool. Tani waxay kobcinaysaa awoodda maskaxdaada, si ay si maangal ah ugu fikirto oo ay u qiimayso dariiqyo kale oo lagu gaadhi karo yoolkaas.
Arrintani way ka adag tahay sida ay marka hore u muuqato.
hadalka oo koobani waxaa weeyi: ha ku koobnaan hal waddo oo aad ku gaadhi karto yoolkaaga, balse baro waddooyin kale oo aad mari karto. Dhinacyo badan wax ka eeg.
6. Xalli xujooyinka ama halxidhaalaha caqliga ( solve logic puzzles)
Waxaa jira daraasiin, haddii ayna ahayn boqollaal ama kumanaan oo xujooyinkan ah.
Sida caamka ah ee qof weliba yidhaahdo: ku celcelintu waxay keentaa kaamilnimo.
7. Cab biyo kugu filan oo cun cunto caafimaad leh .
Maskaxdaadu waxay isticmaashaa 20% waxaad quudiso jidhkaaga. Maxaad u malaynaysaa haddii maskaxdaada keliya ku quudiso saanweyjka bugler-ka, cabitaannada tamarta ( energy drinks) iyo shokolaatada ( chocolate)?
Cuntadaada ka dhig mid fudud, dheelitiran oo nafaqo leh, maxaa yeelay maskaxdaadu waxay ka mid tahay xubnaha ay sida weyn u saamayso cuntada aad quudato.
8. Ta yar ayaa ka wanaagsan ta weyn
(Small > Big)
Ku bilow waxaad haysato iyo waxa aad qaban karto , dabadeed mar kasta tallaabo tallaabo qaad. Marka ugu horreysa ba ha isku qaadin yoolkaaga ugu weyn ama caqabadda ugu weyn ee ku hortaal , dabadeed ha isku dayin inaad qaybo yar yar u kala jebiso, taasi waxay kugu abuuri kartaa cabsi, walbahaar iyo niyadjab ka badan wax kasta oo kale .
Hadalka murtidiisu waxaa weeyi, ha isku dayin inaad dhibaato weyn hal mar xalliso . Ka bilow waxyar oo aad maanta qaban karto, kaddibna si tallaabo tallaabo ah u horumari.
9. Ku bilow waxaad hubaal u garanayso.
Eeg xaqiiqooyin aasaaska ah, kaddibna si tartiib-tartiib ah ugu shaqee . Ha ku mashquulin waxa laga yaabo in uu run yahay ama aannu run ahayn, balse si dhexdhexaad ah u eeg xaqiiqooyinka dhabta ah ee aan la dafiri karin.
Marka hore ku hawlgal ujeeddooyin dhab ah. Raac xaqiiqooyinka cad ee jira , adiga oo aan ku dareyn shuxurtaada, ka hor inta aannu ku qaadin dareen werwer iyo jahawareer.
Hadalku wuxuu ku dhan yahay: kala saar xaqiiqooyinka iyo waxyaabaha aad iska malaynayso.
W/T: Maxamed Haybe Axmed