hadhwanaagnews
Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaa warbixin ka siiyey Golaha Guurtida Somaliland waxqabadka Hay’adda iyo mashaariicda waaweyn ee waddooyinka dalka.
Waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dhismaha waddada Hargeysa, Balligubadle oo 60km ah iyo Baki iyo Boorama oo 37km ah, iyadoo sidoo kale la kormeeray lana qiimeeyey waddooyin ay bulshadu iskaa wax-u-qabso ku dhisaysay.
Maareeyuhu waxa kale oo uu shaaciyey qorshayaasha saddex waddo oo waaweyn oo caalami ah, kuwaas oo kala ah Lawyacaddo, Fardaha iyo Boorama 256-km, oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika, Haleya, Ina Guuxa 91-km, oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunku iyo Burco, Oodweyne, Hargeysa192km oo la dhamaystiray sahan iyo naqshadayn, lana raadinayo maalgelinteeda.
Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland.