Maareeyaha Dekedaha Berbera oo Ka Warbixiyey Doon Kalluumaysi oo Gubatay

Saturday August 08, 2026 - 19:14:39
hadhwanaagnews
"Doontaa yar ee gubatay mooyaane, wax khasaare nafeed ah oo halkaa


Berbera – Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa ka warbixiyey dab ka kacay doon yar oo kalluumaysi oo ku gubatay agagaarka Dekedda Berbera.

 

Maareeyuhu waxa uu sheegay in si buuxda loogu guulaystay daminta dabka, isla markaana aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdada.

 

"Doontaa yar ee gubatay mooyaane, wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhacay ma jiro,” ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland.

 

Cali Diiriye Axmed ayaa sheegay in doontu ahayd mid kalluumaysi, isla markaana ay ku soo xidhnayd meel ka fog dekedda rasmiga ah, oo ah goob hore loo isticmaali jiray.

 

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Ciidanka Dab-demiska, Ilaalada Xeebaha iyo dhammaan ciidamada iyo laamaha kale ee ka qayb qaatay hawlgalkii lagu damiyey dabka.

 

Maareeyuhu waxa uu xaqiijiyey in xaaladda goobtu ay hadda deggan tahay, iyadoo dabkii lagu guulaystay in si buuxda loo xakameeyo.

     
Loading...