Nepal: Dhimashada Daadadka oo Gaadhay 93 Qof

Wednesday August 26, 2026 - 20:21:39
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta Nepal ayaa wada dadaallo lagu raadinayo dadka la la'yahay, iyadoo



Nepal (Hadhwanaagnews.com): Tirada dadka ku dhintay daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo ka mid ah dalka Nepal ayaa kor u kacday, iyadoo tirada dhimashada la xaqiijiyey ay gaadhay 93 qof.

 

Daadadka ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaadhay buundooyin, waddooyin iyo kaabayaal kale, halka biyaha fatahay ay sidoo kale saameeyeen deegaanno ay ku nool yihiin dad badan.

 

Dhanka kale, 384 qof oo ajaanib ah ayaa weli la la’yahay, sida ay sheegeen warbixinno ka soo baxay Booliska Nepal iyo Wasaaradda Dalxiiska.

 

Masuuliyiinta Nepal ayaa wada dadaallo lagu raadinayo dadka la la’yahay, iyadoo kooxaha gurmadka iyo samatabbixintu ay ka hawlgaleen goobaha ay daadadku sida weyn u saameeyeen.

 

BBC oo soo xiganaysa Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa sheegtay in dadka ajaanibta ah ee weli la la’yahay ay ka kala yimaadeen dalal dhowr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin 105 Hindi ah, 37 Hindi ah oo aan dalka Nepal deggenayn, 17 Malaysian ah, 12 British ah, 4 Koonfur Afrikaan ah, 3 Maraykan ah, hal Australian ah iyo hal Dutch ah.

 

Waxaa sidoo kale jira 111 qof oo aan weli la xaqiijin jinsiyaddooda, iyadoo baadhista iyo hawlgallada samatabbixintu ay weli socdaan.

     
Loading...