hadhwanaagnews
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Senegal la gaadhay heshiis heer farsamo ah oo ku saabsan barnaamij cusub oo amaah ah oo gaaraya $2.2 bilyan, kaas oo muddo 36 bilood ah lagu taageerayo dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka inta u dhaxaysa 2026 iyo 2029, sida ay baahisay TRT Africa.
Heshiiskan cusub ayaa yimid kaddib markii IMF ay hakisay barnaamijkii hore ee Senegal oo lagu qiimeeyay $1.8 bilyan, iyadoo hay’addu sheegtay in xukuumaddii madaxweynihii hore Macky Sall ay si aan dhammaystirnayn u soo bandhigtay xog la xiriirta deynta dowladda iyo xaaladda miisaaniyadda dalka.
IMF ayaa Senegal ku boorrisay inay qaaddo tallaabooyin lagu xoojinayo hufnaanta iyo saxnaanta xogta maaliyadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la sameeyo hanti-dhawrro iyo in dib loo habeeyo xogtii taariikhiga ahayd ee ku saabsanayd deynta dalka.
Senegal ayaa ka mid ah dalalka Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee wajahaya culays weyn oo dhanka deynta ah, iyadoo deynta guud ee dowladda lagu qiyaasay inay gaadhay 132 boqolkiiba wax-soo-saarka gudaha dalka (GDP) dhammaadkii sannadkii 2024.
Barnaamijka cusub ayaa weli u baahan in uu ansixiyo Guddiga Fulinta ee IMF ka hor inta aanu si rasmi ah u dhaqan gelin.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Senegal, Ousmane Sonko, ayaa ku baaqay in si buuxda loo caddeeyo shuruudaha heshiiska iyo waajibaadka dhaqaale ee uu dalka ku yeelanayo, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed.