Jen. Tareq Saleh Oo Riyadh Gaadhay, Dib-u-habaynna Ku Sameeyey Ciidamadiisii

Monday September 14, 2026 - 08:53:31
hadhwanaagnews
areq Saleh, oo adeer u ah madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saleh,,,,



Jen. Tareq Maxamed Cabdullaahi Saleh, oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya ciidamada xulafada Sacuudiga ee gacanta ku hayey qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Yemen, ayaa la sheegay inuu gaadhay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, halkaas oo uu wada-hadallo kula leeyahay masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada.

 

Wararka ayaa sheegaya in Jen. Tareq uu markii uu Riyadh gaadhay sameeyey magacaabisyo iyo dib-u-habayn lagu sameeyey taliskii ciidamadiisa, xilli ciidamadaasi ay lumiyeen gacan-ku-hayntii hubka iyo dhulalkii ay hore u maamulayeen kadib horumarkii Xuutiyiinta.

 

Tareq Saleh, oo adeer u ah madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saleh, ayaa la sheegay inuu sheegay in qorshihiisu yahay in dib loo qabsado xeebaha Badda Cas iyo goobaha muhiimka ah ee ku teedsan marin-biyoodka Baabul-Mandab ee ay Xuutiyiintu la wareegeen.

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Jen. Tareq uu maalmo ka hor dooni kaga baxay Yemen, xilli Xuutiyiintu cadaadis militari ku hayeen goobihii ay ciidamadiisu gacanta ku hayeen.

 

Sida ay sheegayaan warbaahinta Carabta, Tareq Saleh ayaa la mariyey marin amni oo ku yaalla Geeska Afrika, kadibna diyaarad gaar ah ayaa loogu diray gobolka, inkasta oo aan weli faahfaahin rasmi ah laga bixin waddada iyo qaabka uu ku gaadhay Sacuudiga.

 

Jen. Tareq Saleh ayaa hore saaxiib dhow ula ahaa Cabaas Caydaruus, hase yeeshee horraantii sannadkan ayuu u wareegay dhinaca Sacuudiga, waxaana isbeddelkaas siyaasadeed iyo milatari uu qayb ka noqday isbeddellada ka socda ciidamada iyo kooxaha kala duwan ee ka dagaallama xeebaha Badda Cas ee Yemen.

     
Loading...