hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cumar Shucayb, ayaa sameeyey xil-ka-qaadis iyo magacaabis masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, si loo xoojiyo hannaanka maamulka iyo fulinta waajibaadka shaqo ee hay’adda.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo kuwa cusub ee la magacaabay laguma sheegin warkan.